Wednesday, June 25, 2025

Waqooyiga Kuuriya oo Dhoolatus Milateri kusoo bandhigtay Gantaalkii ugu weynaa ee Ballistic ah (Sawirro)

Waqooyiga Kuuriya ayaa soo bandhigay Gantaalkii ugu weynaa ee nooca ballistic ah oo kasoo muuqday dhoolatus lagu xusayo sanadguurada 75-aad ee xisbiga Shuuciga ee ka taliya talkaasi.

Gantaalkan oo saarnaa gaari weyn 11 Shaag dhinac waliba ku leh ayaa khabiirada Milateriga ay sheegeen inuu yahay mid ugu weynaa abid oo ee Gawaarida ay xambaaraan dunida oo dhan (Intercontinental ballistic missiles (ICBMs) haddiiba uu howlgalo.

Dhoolatuska waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jung-un, waxaana lagu soo bandhigay hubkii ugu danbeeyay ee dalkaasi soo saaro oo uu ka mid yahay Gantaalka Hwasong-15, oo ah tan ugu ridadda dheer ee weligeed ay tijaabisay Waqooyiya Kuuriya, kaasoo qaadi kara madaxyo Niyukliyeer ah oo gaari kara xeebaha Mareykanka.

Gantaalka cusub oo aan la ogeyn in la tijaabiyey ayaa u muuqda inuu ka awood yahay, kana tayo sareeyo Galntaalka Hwasong-15, kaasoo awood u siin doona inuu gaaro magaalooyinka Mareykanka.

Dhoolatuska Milateri ee ka dhacay magaalada Pyongyang maanta ayuu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ka sheegay in dalkiisa aanu ka jirin cudurka Coronavirus, wuxuuna caafimaad u rajeeyay dadka uu cudurkaasi hayo oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

A screen grab taken from a KCNA broadcast on October 10, 2020 shows North Korean Hwasong-15 intercontinental ballistic missiles during a military parade today
A screen grab taken from a KCNA broadcast today shows North Korean Hwasong-12 intercontinental ballistic missiles during a military parade

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON