Monday, July 14, 2025

Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay Gantaal nooc cusub ah oo welwel ku riday Japan & Mareykanka

Dawladda Kuuriyada Waaqooyi ayaa sheegtay in gantaalkii ay tijaabisay Axaddii uu ahaa nooc cusub oo awood u leh in uu xambaaro madax wayn oo nukliyeer.

Gantaalkan ayaa sare u kacay 2,000km kuna dhacay meel 700km u jirta oo ka mida galbeedka badda Japan. Kuuriyada Waqooyi ayaa Isniintan sheegtay in ay ahayd tijaabo ay ku samaynayeen awoodda gantaal cusub oo ay dhawaan sameeyeen.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in uusan wali xaqiijin karin sheegashada Waqooyiga. Laakiin milatarigu wuxuu intaas ku daray in gantaallada Waqooyigu ay u muuqdaan in ay ka baxeen hawada dhulka ku xeeran oo ayna haddana ku soo noqdeen taas oo muhiim u ah horumarinta gantaallo riddo dheer oo isaga kala goosha qaarad ka qaarad, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Kuuriyada Waqooyi ayaa todobaadyadan samaysay tijaabooyin badan

Kuuriyada Waqooyi ayaa todobaadyadan samaysay tijaabooyin badan

Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkan ku celcelisay tijaabooyin ay ku samaysay gantaallo dhamaantoodse ma ahayn kuwo lagu guulaystay, laakiin dhamaantood waxay ahaayeen kuwo xadgudub ku ah cunaqabatayntii ay Qaramada Midoobay saartay.

Arrintaas ayaa dereen ka abuurtay caalamka, xiisadna kala dhex dhigtay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi. Maraykanka iyo Japan ayaa ku dhawaaqay kulan degdeg ah oo uu Talaadada yeesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON