Wednesday, July 9, 2025

Ciidamada AMISOM oo xabsi dhigay taliyihii Booliska Degmada Qoryooley

Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ka howlgala ay xabsi u taxaabeen taliyihii saldhiga Booliska Degmada Qoryooley.

AMISOM ayaa saldhig ay ku leedahay Qoryooley ku xirtay taliyaha Booliska degmada Amadi Gaabow Buule oo lagu eedeeyay inuu sii daayay maleeshiyo ka tirsaneyd Alshabaab oo hore loo qabtay.

Maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaan ka hadlin arrintan, waana markii ugu horeysay ee taliye ka tirsan ciidamada dowladda ay xirtaan ciidamada AMISOM.

Taliyaha Booliska Qoryooley oo wareysi siiyay qaar ka mid warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inaysan AMISOM xirin, balse ay shaqo kala dhaxeyso. Wuxuu intaas ku daray in AMISOM ay isaga u qabsatay laba qof oo shacab ah sida uu yiri, kuwaasoo uu sii daayay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON