Thursday, June 26, 2025

WAR CUSUB: Cumar C/rashiid oo la kashifay inuu ku lug lahaa heshiiska Saldhigga Imaaraadka ee Berbera

Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo hore u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya, haddana ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland ayaa ka hadlay heshiiska saldhigga milateri Berbera lagu siiyay dowladda Imaaraadka.

Isagoo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayuu sheegay in heshiiska ay qasab tahay inay saxiixdo dowladda Soomaaliya, wuxuuna kashifay mas’uulka dowladda Soomaaliya ee heshiiskaasi ku lugta lahaa.

Buubaa ayaa sheegay in Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid uu ku lug lahaa heshiiskaasi isla markaana uu la waday dowladda Imaaraadka, wuxuuna intaasi raaciyay in heshiiska noocaasi ah aysan Somaliland keligeed geli karin.

Maamulka Somaliland ayuu ku eedeeyay inay marin habaabinayaan dadkooda marka ay sheegayaan inay heshiis la galeen Imaaraadka.

Waa marki ugu horeysay oo si rasmi ah loo shaaciyo mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ku lugta lahaa heshiiska muranka badan dhaliyay ee Imaaraadka saldhig milateri looga siiyay Magaalo xeebeedka Berbera.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON