KIISKA GURIGA MURANKIISU MUDDO DHEER SOCDAY EE LAGU HEYSTO DARAWALKII MAXAMED SIYAAD BARRE, HADDANA AH DARAWALKA CUMAR C/RASHIID XAASHI FURRE AYAA WEJI CUSUB YEESHAY IYADOO AY SOO BAXDAY HAWEENEY SHEEGTAY IN DHULKAAS UU MARKII HORE LAHAA AABAHEED OO LAGU MAGACAABO XERSI FAARAX CIISE, IYADOO DOWLADII SIYAAD BARRE AY KALA WAREEGTAY:

AKHRI QORAAL AY SOO DIRAY KIIN XERSI FAARAX
Anigoo ah Dr Kiin Xirsi Faarax, degan dalka Suudaan, waxna ka dhiga jaamacada dalka suudaan. Waxaan kaloo ka soo shaqeeyey safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Sudan oo aan ka ahaa Qunsulka ganacsiga ( Commercial Attaché), sanadihii u dhexeeyey 2007-2013.
Waxaan dhawaan ka maqlay baraha internet ka in la isku haysto dhul dawladii Soomaaliya ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ay kala wareegtay aabahay, markii hore wax loogu yeeray dan guud, markii dambana la siiyey qof shakhsi ah oo ahaa darawalkii Maxamad Siyaad Barre: Xaashi Furre, ka dibna uu dhistay dhulkaas aabahay lagala wareegay.
Aabahay Xirsi Faarax Ciise , wuxuu ahaan jiray maareeyaha hoteelada ay dawladu lahayd oo kala ahaa Jubba iyo Shabeele, Kadibna waxaa xirtay xukuumadii Maxamed Siyaad Barre (1970-1973), waxaana aakhirkii lagu dilay xabsigii uu ku jiray sannadku markuu ahaa 1973.
Waxaan beryahan maqlaynay gabdho jooga magaalada Muqdisho oo sheegtay inay yihiin ilma Xirsi Faarax, dhulkaasna iyo guriga ka dhisanna ay leeyihiin oo laga dhacay aabahood! Waxaan cadayneenaa in gabdhahaasi ay been tahay sheegashadooda oo ah inay yihiin ilma Xirsi Faarax iyo in dhulkaas laga dhacay.
Dawlada Soomaaliya iyo gaar ahaan xafiisyada ay arintani khusayso waxaan ku wargalinayaa in sheegashada gabdhaha ku andacoonaya inay yihiin ilma Xirsi Faarax lagana dhacay dhulka uu dhistay Xaashi furre, kuna yaal degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho aysan lahayn gabdhaha hada ku dacwinaya gurigaas. Dhulkan asalkiisana waxaa iskalahaa aabahay Xirsi Faarax dawladii Maxamed Siyaad Barre ayaana xoog uga qaadatay, sidaas awgeed waxaan cadaynayaa anoo ku hadlaya magaca reer Xirsi Faarax oo hada ku kala nool Sudan, Canada iyo USA in aabahay uu lahaa cid aan anaga ahayna aysan dhulkaas ku qabsan karin ninkii dhistay dhulka oo magaciisa iyo muuqiisaba aan kadaawanay shaashadaha isagoo laga waraysanayo.
Waxaan si deg deg ah uqabsanaynaa qareen na matala oo faragalin deg deg ah kusameeya arintan, una dhaxeeya Xaashi Furre Oo dhulka ay siisay dawladii Maxamed Siyaad, dhistayna iyo ilma Xirsi Faarax oo anaga ah aniguna aan ku hadlayo magacooda waa walaalahay ilma Xirsi Faarax Ciise.
Hadaba shacabka Soomaaliyeed iyo dawladaba, waxaan ku wargalinaynaa gabdhaha dacwoonaya inaysan xaq ulahayn inay sheegtaan inay yihiin ilma Xirsi Faarax iyo inay dhulka leeyihiinba oo ay been abuuranayaan, ooy rabaan anagoo nool inay sheegtaan inay yihiin ilma Xirsi Faarax taasoo aad nooga fajicisay umadii soomaaliyeed oo maqashayna ay aad ula yaaban yihiin boobka Muqdisho kasocda heerka uu gaarsiisan yahay.
Waxaa arinta gurigan iyo dhulkan la isku haysto ee kuyaal xaafada Cabdicasiis, lagana saaray Xaashi oo darawal u’ahaan jiray madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre, waxaa kawada hadli Kara oo qura Ilma Xirsi Faarax oo anaga ah, iyo Xaashi Furre iyo qoyskiisa oo qura.
Waxaa la yaableh qof intii ladilay, oo xaqdaro lagu dilay, wuxuu lahaana oo dhanna laga dhacay, dhulkiisiina darawalkii maxamad siyaad lasiiyay, haddana ay kuhaystaan gabdho si been abuura kusheeganaya inay yihiin ilmihii ninkii dhulka laga dhacay!.
Waxaa la igala soo xiriiri karaa:
Tell :00 249 922 355 566 / 00 249 911 960 838
Email: [email protected]
Dr Kin Hersi Farah Ise
[ad name=”HTML”]