Thursday, June 26, 2025

WAR CUSUB: Maamulka Degmada Balcad oo shaaciyay inay helaan qof meyd ah oo diyaarad ka soo dhacay…!!

Maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay inay hayaan qof Meyd ah, ahna nin oday ah oo ay ka soo dhacay Diyaarad, kaasoo qaar ka mid ah kirkiisu uu go’ogo’ay, waxaana la filayaa inay arrintan sii xoojineyso shakiga ah in diyaarada Daallo ee dib ugu laabatay garoonka Muqdisho, markii uu dab ka kacay.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Maxamed Axmed (Saney) ayaa sheegay in Ninka Meydkiisa ay ka heleen Dhul miyi ah oo ka tirsan degmada Balcad,waxaana uu intaa ku daray  in Dadka Degaanka ay u sheegeen in Ninka uu ka soo dhacay Diyaarad uu Dabka baxayo taas oo ku socotay dhinaca  Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Balcad ayaa caddeeyay in Meydka ninka ay hayaan uu yahay nin oday ah  oo jirkiisu go’ogo’ay, wuxuuna intaasi ku daray in meydka ay heleen qeyb ka mid jirkiisa maqan yahay wejigiisana aan la aqoonsan karin, iyagoo ku waareejiyay Hay’addaha Ammaanka Soomaaliya.

Lama oga arrintan waxa ay ku danbeyn doonta, waxaana la filayaa in haddiiba ay rumowdo in meydka ninka odayga ah ee laga helay duleedka Muqdisho ay sii kordhineyso shakiga ah in diyaaradda Daallo qarax ka dhacay dhexdeeda.

GUDDOOMIYE DEGMADA BALCAD

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON