Waxaa markii ugu horeysay tan iyo qaran-jabkii Soomaaliya maxkamada lagu soo taagay magaalada Muqdisho ajaanib Kenyaati ah iyadoo lagu eedeynayo inay sharci darro ku joogeen dalka Soomaaliya oo si sharci darro ah ay ugu shaqeynayeen mid kamida shirkadaha ka howlgala caasimada Soomaaliya.
Maxkamadda gobolka banaadir waxaa aanta la horgeeyay eedeysanayal u dhashay dalka Kenya oo lagu soo eedeyay in ay si sharci darro ah ay ku joogeen gudaha dalka, waxaana maxkamadda goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed, Saraakiisha booliska iyo Mas’uuliyin ka socotay safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.
Ajaaniibta eedeeysanayaasha ah ee la hor keenay Maxkamadda waxay ahaayeen 22 qof oo Kenyaati ah,iyadoo lagu soo oogay dacwad ah inay si sharci darro ah ku joogeen dalka. Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Qaranka Maxamed Xasan oo dacwadda soo oogay ayaa sheegay in shaqaalahan ajaaniibta ah aysan heysan ruqsaddii shaqaalenimo. Wuxuu Shirkadda lagu magacaabo Liberlink ku eedeeyay inay ku xadgudubtay qodobka 37 xarafkiisa (o) iyo qodobka 24 ee sharciga shaqaalaha shisheeyee, iyadoo shaqaaleysiisay dad aan heysan ruqsadda shaqaalenimo oo dalka si sharci darro ah ku joogayn.
Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay in kiiska eedeysanayaasha kasoo jeeda dalka Kenya ay Maxkamadu u fariisin doonto khamiista 5-ta bishan, iyadoo ay sidaasi codsadeen Qareenadii u doodayay.
Waa markii ugu horeysay ee kiis noocan la soo oogo, iyadoo kumanaan ajaaniib ah Muqdisho ka shaqeystaan intooda badan ay ka howlgalaan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xalane oo ah goob aanay ka talin dowladda Federaalka.
Goobjooge.com