Qaar ka mida xildhibaanada Golaha shacabka ayaa mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Mooshinka oo ay saxiixeen ku dhowaad 50 xildhibaan ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ku eedeynaya ku takri fal awoodeed, waxaana lagu heystaa qaabk dhismeedka Guddiyada Baarlamaanka oo ahaa muran muddo soo taagnaa oo hadda Mooshin loo bedelay.
Wararka ayaa sheegayai n Mooshinka ay wadaan Guddoomiyaashii hore ee Guddiyada Joogtada ah oo ku soo bixi waayay guddiyada cusub, kuwaasoo soo kiciyay mooshin ku saabsan in qaabka ay hadda u dhisan yihiin Guddiyada Baarlamaanka iyo Guddoomiyeyaashaooda ay sharci darro tahay.
Arrimaha kale oo Guddoomiye Jawaari lagu heysto waxaa ka mida lacago qaaraan ah oo bil waliba laga jaro Shaqaalaha ee Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada oo aan la ogeyn meel ay marto iyo cidda qaadata, iyadoo ay jirto in shaqaalaha u qoran Baarlamaanka ay ka shaqeyso tiro aad u yar.
Waxaa jira in mooshin kale oo isna diyaarinintiisa ka socoto magaalada Muqdisho, kaasoo looga horjeedo isla guddoomiye Jawaari.