Monday, July 14, 2025

War cusub oo ka soo yeeray Ciidamada Dowladda & AMISOM ee qabsaday Bariire

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa laga soo xigatay sheegay inay ku negaan doonaan degaanadii ay maanta qabsadeen.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee hoggaaminaya ciidamada qabsaday saaka degaanka Bariire ee hoostaga Awdheegle ayaa sheegay inaysan dib uga laaban doonin degaankaasi oo saaka ay kala wareegeen Alshabaab, balse ay degi doonaan.

Dadka degaanka ayaa soo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay fariisin ka sameysnayaan degaanka Bariire  oo muddooyinkii danbe ay Alshabaab maamuleysay.

Weerarkii maanta ayaa ka duwanaan doona kuwii ka horeeyay oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay dib uga laaban jireen degaanada ay ka qabsadaan Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON