Thursday, April 18, 2024

WAR CUSUB oo kasoo kordhay Diyaaradii Daalo ee hawada Muqdisho lagu qarxiyay

War laga helay saraakiisha dowladda Federaalka ee baaritaanka ku wada diyaaradda Daallo Airlines ee Arbacdii degdeg ugu soo laabatay garoonka Muqdisho kadib markii qarax ka dhex dhacay ayaa sheegaya inay xaqiijiyeen in waxa ku dhacay diyaradda uu yahay Bam lagu dhex qariyay.

Sarkaalka oo magaciisa aan la shaacin una warramay VOA-da ayaa sheegay in Alshabaab ay ka dambeysay qaraxa lala beegsaday diyaaradda Daallo ee duulimaadkeedu ahaa D3159, isla markaana ay tahay cidda kaliya ee abaabulka qarxinta diyaaradda lahayd.

Dhinaca kale Agaasimihii hore ee Hay;adda Nabadsugidda Axmed Cali Fiqi ayaa si faahfaahin uga hadlay xaaladda diyaaradda Daallo isagoo sheegaya in ninka ka soo dhacay uu isku qarxiyay  diyaaradda.

Ad

Waxaa lagu wadaa in goor dhow la shaaciyo natiijada baaritaanka socda, waxaana markii horeba la ogaaday in qaraxa loo adeegsada maadada sida weyn u holacda ee TNT oo laga dhex helay diyaaradda dhexdeeda, taasoo xaqiijisay in qarax uu jiro.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON