Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qasaare lixaad leh uu ka dhacay degaanka Buulogaduud iyo duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkan oo loo adeegsaday Qarax is-miidaamin ah ayaa lagu galay saldhigga ciidan ee ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa Soomaaliya ku lahaayeen halkaasi, iyadoo lagu dilay ciidamo fara badan.
Weerarka oo dhacay aroortii hore ee saaka ayaa Afhayeenka Alshabaab uu sheegtay inay ku dileen 26 askari, isla markaana ay gubeen laba baabuur oo kuwa dagaalka ah, halka ay wateen askar nool iyo gawaari kale.
Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dagaalka saaka ka dhacay Buulogaduud, waxaana magaalada Kismaayo laga dareemaya xaalad kacsan iyadoo gurmad ciidamo ah loo diray goobta dagaalka.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa isaga baxay Buulogaduud markii ay heysteen muddo saacado ah, waxaana la sheegay in goobtaasi lagu diyaarinayay ciidamo howlgal ku qaada Alsahbaab.