Wednesday, June 25, 2025

WAR CUSUB: Qoyska Gabadha sababtay dilkii Axmed Dowlo oo hadlay “Gabadheena lama bixin ee xaaraan ayaa..”

Iyadoo ay soo shaac baxayaan faahfaahino kale oo ku xeeran kiiska dilka Marxuum Axmed Dowlo oo ku yimid heybsooc ayaa waxaa markii ugu horeysay arrintan ka hadlay qoyska ay kasoo jeedo gabadha.

Dadka arrintan ka hadlay waxaa ka mida wiil la dhashay gabadha sababtay kiiskan ee Ruqiya C/llaahi Maxamed, ninkan oo ay isku hooyo yihiin Ruqiya laguna magacaabo Axmed Iidow ayaa sheegay in gabadha aan la bixin, isla markaana si sharci darro ah oo an xallaal ahayn uu ku heysto wiilka la baxsaday, iyadoo aysan jirin cid bixisay.

Axmed ayaa intaas ku daray in qoyska uu ka kooban yahay bah waaweyn oo isagu ka mid yahay iyo bah yar oo Ruqiya ay ugu weyn tahay, wuxuuna intaas ku daray in Ruqiya ay tahay 15 sano jir, dhiganeysay fasalka koowaad ee dugsiga sare, lana qorsheynaynay  in waxbarasho loogu diro dalka Turkiga.

Wuxuu been abuur ku tilmaamay wararka lagu sheegay in Aabaheed uu bixiyey gabadha, isagoo sheegay in in aabaheed uu xanuunsanaa oo maanta uun (shalay) uu kasoo baxay Isbitaal, isla markaana aysan jirin cid gabaddhaasi bixisay oo ay doonayaan in dib loogu soo celiyo Gurigeeda.

“Gabdhaas ma jirto cid bixisay, mana bixin doono, xaaraan ayaa lagu heystaa, waxa socdo waa sino, waa arrin dan laga leeyahay.. gabadhaas waa la sixray, hal mar xitaa ma hadlin markii TV-ga lasoo fariisiyey…” ayuu yiri Axmed oo la dhashay gabadha isagoo ku dhaartay inuu xaqiiqo sheegayo, waxaan si toos ah looga wareystay Facebook xalay.

Wuxuu kaloo beeniyay in Ruqiya hooyadeed ay abaabushay dilkii Axmed Dowlo, isagoo sheegay in hooyadiis ay xirneyd muddo 5 maalmood ah markii uu falka dilka dhacay, isagoo madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay joojiyaan in arrinta dhacday ay si kale u adeegsadaan ama kharash ku bixiyaan wax ayan hubsan oo sharci darro ah.

Kiiskan ayaa maalinba maalinta ka dambeysa la imaanaya xog cusub iyo xaalado cakiran oo u baahan baaritaan, waxaana muuqata in sheekada dhinaca kale ee qoyska gabadha oo markii hore aan la maqlin ay hadda isbedel ku sameyn doonto wixii hore dadka loogu sheegay.

Aabaha dhalay gabadha ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo kiiskan, waxaana la sheegay inay isku beel yihiin guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow, halka ay caddaatay in hooyada dhashay ay xildhibaan ahaan is xigaan C/weli Maxamed Qanyare oo ay isku jufo yihiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON