Tuesday, July 1, 2025

WAR CUSUB: Tallaalkii ugu horeeyay ee Coronavirus oo toddobaadyo Gudahood lagu soo saarayo

Tallaalkii ugu horeeyay ee cudurka Covid-19 ayaa la sheegay inuu diyaar ku noqon doono muddo toddobaadyo ah gudahooda, kadibna si rasmi ah loo bilaabi doono 6 bilood kadib.

Sida laga soo xigtay saynisyahanno Biritish ah Tallaalkan ayaa waxaa lagu sameeyay mid ka mida Jaamacaddaha ugu horeeya caalamka ee Oxford, dalka Ingiriska, waxaana lagu wadaa inuu diyaar noqdo Bisha Septembar ee sanadkan 2020-ka.

Prof. Sarah Gilbert oo ka tirsan Jaamacadda Oxford ayaa u sheegtay Wargeyska The Times in 80% ay ku kalsoon tahay tallaalkan inuu noqon doono mid guuleysta, isla markaana uu diyaar ku noqon doono muddo lix bilood gudahood ah, iyadoo ay tallaalada qaataan waqti ka badan sanad ilaa sanad iyo Bar.

Tallaallkan ayaa tijaabadiisa bilaaban doontaa laba toddobaad gudahood, iyadoo lagu tijaabin doono 500 qof oo mutadawiciin ah, wuxuuna tallaalkan ka mid yahay tobanaan tallaal oo dhowr dal tijaabadoodu ka socoto, balse wuxuu noqday kan ugu waqtiga yar.

Tijaabada lagu hayo tallaal loo helo cudurkan ayaa ka socota dalalka Germany, USA, France, China iyo dalal kale, laakiin khubarada caafimaadka ayaa ka digaya in waqti dheeraad ah loo baahan yahay tallaal kasta oo lasoo saarayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON