Monday, July 14, 2025

WAR CUSUB: Ugaas Xasan oo diiday inuu aqoonsado Maamulka cusub ee Hirshabeelle

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in wadahadallo iyo dadaallo lagu doonayo in lagu qanciyo Ugaaska Beesha Xawaadle ay ka socdaan halkaasi.

Kulan saaka dhex maray Ugaas Xasan iyo Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble ayaa la isku mari waayay, kadib markii uu mowqifkiisii kasoo dabci waayay Ugaaska.

Shirar kale oo aya abaabuleen siyaasiyiinta iyo waxgaradka Hiiraan ayaa mar kale la isugu soo laabtay iyadoo aysan ka soo bixin wax natiijo ah.

Shirarka oo ka socda Guriga looga arrimiyo Magaalada Beledweyne ayaa wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inay weli ka socdaan halkaasi, waxaana jira dadaallo ay wadaan xildhibaano, odayaal iyo siyaasiyiin kala duwan  oo raadinaya qaab kasta oo lagu qancin karo Ugaas Xasan oo noqday duubka kaliya ee diidan maamulka Hirshabeelle.

Isha: Hirshaabelle.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON