Monday, July 7, 2025

War Naxdin leh: Nin Soomaali ah oo gabdho ay walaalo yihiin ku dilay dalka Kanada

Booliska dalka Canada ayaa sheegay inay xireen nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka danbeeyay dilka gabdho ay walaalo yihiin magaalada Ottawa, dalka Canada.

Dilka gabdhaha Nasiiba iyo Asma C/nuur ayaa Jimcihii ka dhacay Magaalada Ottawa, waxayna Booliska hadda gacanta ku dhigeen wiilkan la dhashay oo lagu magacaabo Muscab Cabdinuur, waxaana la sheegay inuu yahay qof maskaxda xanuun ka qaba.

Muscab ayaa laga qabtay meel u dhow guriga qoyska ee uu falka naxdinta leh ka geystay waxaana la geeyay isbitaal dhaawacyo fudud oo uu qabay dartood.

Waxaa ka dib loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee Ottawa-Carleton Detention Centre, iyadoo maxkamad la soo taagi doono markii labaad kadib markii Axadii shalay la soo taagay maxkamaddii.

Soomaalida Ottawa ayaa naxdin iyo musiibo ku tilmaamay wixii habeenkii Jimcaha ka dhacay magaalada Ottawa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON