WAR-SAXAAFADEED SAFAARADDA SOOMAALIYAEE MAGAALADA KHARTOUM DALKA SUUDAAN
Tr:12/11/2016
Safaaradda J.F. Soomaaliya ee Dalka Suudaan waxa ay umadda Soomaaliyeed ku wargalinaysaa in bilowgii sanadkan 2016 uu hoos u dhac wayn ku yimid Tahriibka kadib markii gabi ahaanba la xiray soohdinta ay Suudaan la leedahay wadanka Liibiya oo ay Tahriibayaasha uga sii gudbi jireen badda Mediterranean-ka si ay Yurub halkaas uga sii gudbaan.
Safaaradda oo kaashanaysa Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan waxa ay dadaal ugu jiraan sidii loo joojin lahaa hal halka dhifta ah ee ilaa hada socda ee doonaya in ay naftooda ku haligaan tahriibka halista ah.
Safaaradda J.F. Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya oo wada jira waxaa u suura gashay in lasoo qabto laba ka mid ah raggii ugu waynaa (Muqalasiin) ee ka shaqeenayay tahriibinta dhalinta Soomaaliyeed, kadib markii in muddo ah lagu daba-joogay soo qabashadooda.
Labadan qof oo magacyadooda loo yaqaan Cabdulaahi Jabuuti iyo Diiriye ayaa lasoo qabtay kadib markii ay Oday Soomaaliyeed kasoo af-duubteen dalka Yaman kaasoo eheladiisa in muddo ah baadigoobayeen kadibna uu ka baxsaday gacanta af-duubayaasha iyagoo ku qarinayay guri ku yaala magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan.
Aabahan Soomaaliyeed ee lasoo afduubay ayaa Safaaradda J.F Soomaaliya ee Dalka Suudaan soo gaarsiiyay dacwad ka dhan ah labadaa nin kadibna Safaaradda ayaa ku wargalisay hay’adda ku shaqada leh ee Dowladda Suudaan, sidaana ku suura gashay in gacanta lagu soo dhigo.
Labadan Eedeysane ayaa lagu haystaa in dhalinta Soomaaliyeed si xoog ah uga af-duubanayeen gudaha Suudaan iyo dibadeeda kadiba ay u gacan galinayeen rag ay la shaqeystaan oo jooga Dalka liibiya oo lagu sheegay Magafayaal, kuwaas oo si arxan daro ah u jirdilaya kadibna ka qaadaya lacag tiro badan.
Ugu danbeyntii Safaaradda J.F. Soomaaliya ee dalka Suudaan oo kaashanaysa Dowladda Suudaan ayaa waxa ay sidoo kale ku raad joogtaa rag lagu sheegay in ay ka shaqeeyaan tahriibinta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxa ayna Safaaradda uga digaysaa dhalinta iyo waalidkooda in aysan marnaba ubadkooda usoo diraan tahriib waayo wixii hada ka dambeeya waxa uu tahriibaha Suudaan kala kulmayaa xarig dhowr sano ah kadibna musaafurin wadanka dib loogu soo celinayo.