War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dil toogasho ah oo lagu khaarijiyay laba qof uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dadka la dilay ayaa ahaa laba ruux oo shacab ah, kana tirsan ganacsatada suuqa weyn ee degmada Medina, magaalada Muqdisho, iyadoo dilkooda ka dambeeyeen askari canshuurta qaada kadib markii muran dhex maray. Askariga ayaa magaciisa lagu sheegay Saciid Gureey.
Ciidamada canshuurta ka qaada dadka ganacsatada ah ayaa hubeysan oo u badan maleeshiyo, waxayna si qalafsan ula dhaqmaan ganacsatada.
Dilka ganacsatada ayaa keentay in suuqa lagu kala cararo iyadoo ciidamo dheeraad ah ay tageen goobta falku ka dhacay.
Goobjooge.com