Monday, July 14, 2025

Wararkii ugu danbeeay weerarkii saaka lagu qaaday Hotel Saxafi

Qarax  si weyn loo soo qorsheeyay oo aad u xoogan ayaa aroortii saaka lagu qaaday  Hotelka  Saxafi Hotel ee iso-goyska KM 4  magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya  in qaraxa oo loo adeegsaday  baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo is-miidaamin ahaa lagu dhuftay albaabka hotelka kadibna rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka sidii caadiga ahayd ee weerarada loo qaadi jireen kooxda Alshabaab.

Rasaas xoog leh ayaa ka dhacday gudaha hotelka oo ay hurdayeen dad kala duwan oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sidoo kale qarax labaad ayaa ka dhacay hotelka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si degdeg ah u sheegatay weerarkan,  iyagoo beegsaday hotelka. qasaare xoog leh ayaa ka dhashay weerarka iyadoo ciidamada  dowladda iyo kuwa AMISOM ay sheegeen inay soo afjareen weerarka.

 

Wixii soo kordha la soco

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON