Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degaanka Nuur-Dugle, degmada Cadalle ee Gobolka Sh/Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyada Alshabaab ay weerar ku qaadeen difaaca ciidamada degaanka iyo kuwada dowladda ee ku sugnaa duleedka Tuulada Nuur Dugle, gaar ahaan halka loo yaqana Huurweyne oo 2KM u jirta waxaana labada dhinac dhex maray dagaal dhaliyey qasaare kala duwan.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarkii Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen, halka war kasoo baxay Al-Shabaab ay sheegatay in cagta mariyeen saldiga ciidan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhinaca ciidmada dowladda iyo dadka degaank ay dagaalka saaka uga dhigeen sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Caraaye Cumar iyo qaar kale.
Waxaa weli soo baxay qasaaraha dagaalka ay Alshabaab maanta ku qaadeen Degaanka Nuur Dugle oo ah kii ugu horeeyay oo rogaal celin ah.
