Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab oo ka soconaya Tuulada Takarleey oo hoostagta Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.
Puntland ayaa sheegatay inay ku gacan sareyso dagaalka. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ee Dagaalka Takarleey Hogaaminaya ayaa laga soo xigtay in Dagaalka Saaka Al-shabaab looga dilay ilaa 19 Dagaalame oo ka mid ahaa kuwii Dagaalka la galay Ciidamada Puntland.
Inkastoo aan la hayn warar madax banaan waxaa haddana dadka Degaanka ay sheegeen in Al-shabaab laga riixay,iyadoo wali ay socoto Rasaas goos goos ah.
Dagaalka ayaa weli Socda, waxaana la filayaa in maamulka Puntland ay ka hadlaan saacadaha soo socda.
Goobjooge.com