Wararkii ugu danbeeyay dagaalada Mudug & Ciidamada Galmudug oo sheegtay inay maxaabiis ka qabteen Alshabaab sida ay ku warrameen saraakiisha maamulka Galmudug. Wararka laga helayo Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegay in dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Galmudug Galmudug iyo maleeshiyada Alsahbaab inuu weli socdo, iyadoo qasaare uu dhaliyay dagaalkaasi.
Ciidamada Galmudug ayaa la sheegay inay kaashayaan ciidamada NISA ee ku sugnaa degaanada Galmudug, saraakiisha ayaa sheegeysay inay dhinaca ALsahbaab ka dileen 10 dagaalyahan, isla markaana ay qabteen 10 kale oo qaar ka mida ay dhaawac ahaayeen.
Dagaalka ayaa ka socda tuulooyin hoos taga degaanka Budbud, Bariga Gobolka Mudug qeybta maamulka Galmudug. Warar kale ayaa sheegaya in koox kale oo Alshabaab ah ay ku hareereysan yihiin ciidamada is-kaashanaya.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay inay Alshabaabka soo galay Galmudug ay yihiin kuwo firxad ah oo aan tabar badan lahayn oo ay doonayaan inay u gudbaan Xarardheere, kana war heleen inay Alshabaab ciidamo hor leh soo dhoobtay aagga Ceelhuur, balse aanay ogolaan doonin taasi.
Akhri Dagaal ka dhex qarxay ciidamada Galmudug & Alshabaab oo ka socda Bariga Mudug
Goobjooge.com