Thursday, June 26, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka Puntland & Alshabab ee degaanada Gobolka Nugaal

Xaalada furimaha dagaalka ee ciiidamada Puntland  iyo maleeshiyada Alshabaab ee doomaha ku galay gobolada Mudug iyo Nugaal ee hoostaga maamulka Galmudug ayaa sheegaya in saaka aanay jirin dagaalo ka socda labada aag ee Godobjiraan iyo Togga Suuj.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay dul hoganayaan Suuj oo madaafiic ay ku garaaceen labadii maalmood ee ugu danbeeyay, waxaana la qiyaasayaa qasaaraha gaaray kooxda Alshabaab oo Togga ku jirta weli, iyadoo la ogyahay in saadka raashinka ku yar yahay, balse Toggu leeyahay ceel biyood.

Aagga labaad ee Godobjiiran ayay ciidamada Puntland guulo ka sheegteen iyadoo weerarkii shalay uu ahaa mid culus oo labada dhinac ay isku food saareen. Puntland ayaa qiratay in laba askari laga dilay 8 kalena laga dhaawacay, waxaana aad u adag in dhinaca kale laga helo xog rasmi ah, marka laga reebo sheegashada Puntland ee ah inay dileen tobanaan dagaalyahan oo Alshabaab ah.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne ayaa laga soo xigtay inay maleeshiyada Alshabaab ka dileen ku dhowaad 20 dagaalyahan ayna ciidamada Puntland gaareen degaanka Bad-qado ee lagu dagaalamay.

Dhinaca Suuj Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in dagaalyahanada ku sugan Togga Suuj ay isku dayeen inay xalay ka baxaan halkaasi, laakiin dagaal uu dhex maray ciidamada Puntland, kadibna ay dib ugu laabteen.

Wax dagaal ah lama soo werin saaka oo jimce ah, waxaana maanta ku eg 72 saacadood oo Puntland ay sheegtay inay soo afjareyso dagaalka kooxaha duulaanka ku soo qaaday ee Alshabaab, taasoo hadda u muuqata inay xilli dheeraad ah u baahan tahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON