Sunday, June 22, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Guriceel iyo Saraakiil dhaawac ah oo laga qabtay Ahlu Suna.

Wararka laga helayo magaalada Guriceel ayaa sheegaya in dagaalkii u dhaxeeyay ciidammada dowladd aSoomaaliya iyo xooggaga Ahlu Suna uu weli socdo.

Ciidamada Galmduug iyo kuwa dowlada ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, iyagoo caddeeyay in xaaladdu ay had degan tahay, isla markaana meel kooban la isugu keenay maleeshiyaadka Ahlu Sunna.

Ahlu suna oo saaka dalbatay in jid loo furo si ay dhaawacyada uga saaraan magaalada oo ay ula baxaan ciidamadooda ayaa lasoo weriyey in markii ay baxeen kadib weerar kale soo rogaal celiyeen, taasoo dhalisay in dagaal kale uu ka qarxo magaalada.

Ad

Xabbad joojinta iyo jidkii loo furay Ahlu suna kadib ayaa dagaalku qarxay, waxaana intiisa badan uu ka dhacayaa aagga Jaamacadda ah saldhigga ugu weyn Ahlu Sunna. Qasaaraha dagaalka ayaa sii kordhaya, waxaana dhimashad iyo dhawaca ay u badan tahay ciidamada iyo sarakiisha labada dhinac.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay qabteen dhaawacyada saddax sarkaal oo ka tirsan Ahlu suna oo laga saarayey Guriceel, lana geeyay magaalada Gaalkacyo waxayna kala yihiin: Cali Xade, Cali Faarax iyo Maxamuud Tashade oo ku dhaawacmay dagaalladii shalay iyo maanta dhacay.

Dhaawacyada saraakiisha Ahlu suna ayaa lagala baxay Isbitaal ay ku kireen magaalada Gaalkacyo, iyadoo sawirradooda iyagoo sariiraha isbitaalka jiifa lagu shaaciyey baraha bulshada.

- Advertisement -
May be an image of 3 people, beard and indoor

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON