Mas’uuliyiin, madax sare iyo wakiilo caalami ah ayaa ku sii qulqulaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu caleemo saarayo madaxda maamulka Hirshabeelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeeyay madaxda saaka ka degtay magaalada Jowhar, waxaana goor dhoweyd gaaray Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Dhinaca kale caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Cabdulaahi Guudlaawe ayaa la sheegay inay ka qeyb geli doonaan madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ka qeybgalka xafladda caleemo saarka ee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu wado inuu soo raaco wafdiga madaxweynaha Hirshabeelle haddii aanay arrimo kale soo kordhin.
Gooobjooge.com