Waxaa la galay saacadihii ugu danbeeyay ee magacaabista xilka Ra’iisal wasarah, waxaana madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo laga sugayaa inuu soo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub.
Madaxweynaha ayay waqti badan ku qaadatay sidii uu usoo xuli lahaa Ra’iisal wasaarihiisa labaada tan iyo markii uu xilkaasi iska casilay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, waxaana baraha bulshada hareeyay hadal-heynta qofka loo magacaabayo xilkan oo waqti kala-guur ah kusoo beegmay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Farmaajo qaatay go’aanka magacaabista, balse ay harsan tahay inuu shaaciyo, ragga isugu soo haray ee loo saadaalinayo inay xilkan kusoo baxaan ayaa waxaa ka mida: Maxamed Cali Nuur oo hadda ah xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda, Hanad C/llaahi Ganey Firimbi oo u dhalay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Banaadr iyo Ra’iisal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi.
Ra’iisal wasaare Geedi ayaa ololihiisa ka socdaa baraha bulshada, inkastoo aan madaxtooyada laga helin xaqiijin ku saabsan inuu ku jiro liiska musharixiinta Madaxweyne Farmaajo, waxaana saacadihii ugu danbeeyay ay taageerayaashiisa u caleemo saareen in xilkaasi loo magacaabo.