Thursday, June 26, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Mooshinka: Xildhibaano hanjabaad soo saaray & qaar shir weyn qabanaya

Xildhibaanada iyo wasiirada taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ka horjeeda mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha, isla markaana dhowaan mooshin kale oo oo ku saabsan laalista mooshinkaasi geeyay Baarlamaanka ayaa shir weyn maanta ku qabanaya magaalada Muqdisho iyadoo sii xoojinaya ololaha ay ku taageerayaan madaxweynaha.

BAARLAMAANKA

In ku dhow 100 xildhibaan oo wasiiro iyo xildhibaano isugu jira iyo taageerayaal kale ayaa lagu wadaa inay war saxaafadeed ka soo saaraan shirkooda iyagoo ku cadaadinaya Gudoonka Baarlamaanka inuu laalo mooshinka madaxweynaha ama bannaanka lagu xaliyo arrinta mooshinkaasi.

Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka ee wada mooshinka madaxweynaha looga horjeedo ayaa si weyn uga carooday guddoonka Baarlamaanka, waxayna eedeyn ba’an u jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyo dhibaatada heysata mooshinkoodii oo weli aan meelna loo dhaqaajin.

Xildhibaanada Cabdi Xoosh Jibriil iyo Cabdi Barre ayaa ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan guddoonka Baarlamaanka iyo guddoomiye Jawaari oo ay sheegeen inay mooshin ka keeni doonaan, waxay kaloo intaasi ku dareen in haddii arrintaasi socon weydo inay iyagu mooshinka geyn doonaan Maxkamadda Sare.

Arrinta Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ayaa mareysa meel adag iyadoo Baarlamaanku ku kala qeybsan yahay isla markaana dhinacyada is haya ay sii kordhiyeen xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON