Tuesday, July 1, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Xaalada dagaalka Caabudwaaq iyo faahfaahin qasaaraha maanta

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoog leh oo magaalada maanta ku dhex maray labada dhinac ee kala taabacsan maamulad Ahlu suna iyo Galmudug uu dhaliyay qasaar balaaran oo dhimasho iyo dhaawac leh iyadoo labada ciidan ay is hor fadhiyaan.

Saldhiga-Booliska-Caabudwaaq

Dagaalka ayaa la sheegay inay ku dhinteeen in ka badan 5 qof, islamarkaana in ka badan intaasi ay ku dhaawacmeen  15 kale oo dhammaantood ah  dadka dagaalamayay iyo dad kale oo rayid ah.

Dagaalka ayaa la sheegay inaan wax horumar ah laga gaarin oo labada dhinacba ay ku kala sugan yihiin meelihii ay kala joogeen ilaa saaka, wasiirka ganacsiga Galmudug ayaa weli gurigiisa ku sugan, waxaana jira gurmadyo labada dhinac ku soo biiraya.

Dagaalkii weynaa ee saaka ayaa qaboobay duhurnimadii iyadoo labada dhinacba ay u muuqdaan inay dagaalkii ku daaleen, waxaana magaalada ka dhacay barakac weyn.

Korontadii magaalada Caabudwaaq ayaa la jaray iyadoo isu socodkii magaalada uu xirmay, waxaana dhaawacyo badan la gaarsiiyay Isbitaalka magaalada.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON