Wararkii ugu danbeeyay Mooshinnada iska horjeeda ee Jawaari & Kheyre [Laba isbaheysi oo ka sameysmay Barlamanka]

0

Wararkii ugu danbeeyay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay abaabulka mooshinnada iska horjeeda ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaannada Baarlamaanka ay laba qeybood u kala qeybsameen.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa 24-kii saac ee ugu danbeeyay qaaday olole ballaaran oo ay ku soo jiidanayaan xildhibaanno cusub, waxayna xildhibaannada taageerayaasha Guddoomiye Jawaari gaareen ku dhowaad 100 xildhibaan, kadib markii ay ku biireen xildhibaannadii ku kacsanaa Ra’iisal Wasaaraha iyo madaxweynaha.

Xildhibaannadan ayaa ku qulqulaya xilligan xarunta guddoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, halkaasoo ay ku soo bandhigayaan cududdooda iyo taageerada ay u hayaan guddoomiye jawaari, iyagoo halkaasi la sheegay inuu isugu yeeray Guddoomiyaha mooshinka ka yaallo.

Dhinaca kale waxaa Muqdisho ka socda abaabul ay wadaan xildhibaannada wada mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari, xildhibaanadan oo taageero ka heysta Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shir ku yeelanaya mid ka mida Hoteelada magaalada Muqdisho, iyagoo  qaarkood ku doodeen in tirada xildhibaannada ay heystaan ay gaartay in ka badan 130 xildhibaan.

Mooshinka laga keenay Jawaari ayaa qarxiyay xiisad siyaasadeed iyo iska horjeed keenay in Baarlamaanku laba qeybood noqdo, iyadoo laga cabsi inay laba baarlamaan ka dhashaan khilaafkan.