Wednesday, July 9, 2025

WARARKII UGU DANBEEYAY: Weerarka Hotel Ambassador & dabley heysata qeybta sare

Wararkii ugu danbeeyay weerarka Alshabaab ku qaadeen Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laba ka mida dableyda Alshabaab oo is-miidaamiyeyaal ah ay ku jiraan weli hotelka sida ay sheegtay Hay’adda Nabadsugidda NISA.

Galabta ayaa hotelka lagu weeraray qarax is miidaamin ah, waxaana gudaha u galay dabley hubeysan oo rasaas iyo bambooyin u adeegsaday hotelka dhexdiisa, iyadoo qasaaraha ilaa hadda la soo weriyay uu yahay in ka badan 10 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac ka badan 40.

Ciidamada NISA ayaa sheegay inay hotelka ka soo badbaadiyeen 10 qof, ayna soo dhameystireen howshii badbaadinta, iyagoo bilaabu doona nadiifinta Hotelka oo qeybta ugu sareysa ay ku jiraan laba ka mida dableyda Alshabab oo la sheegay inay yihiin is-miidaamiyeyaal.

Gaari qaraxa isku miidaamiyay oo qof is-miidamiye ahna uu ku dhintay, waxaana kadib saddex dabley ah ay gudaha u galeen hotelka, NISA ayaa sheegeysa in mid ka mida dableyda la dilay, labadii kalena ay galeen Hotelka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON