Wararkii ugu danbeeyay weerarkii nin hubeysan xalay ku qaaday Baar lagu caweeyo oo ku yaala magaalada Orlando ee gobolka Florida dalka Mareykanka ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaartay 50 ruux, iyadoo 53 qof oo kale isbitaala la dhigay.
Weerarkan ayaa marka la eego qasaaraha ka dhashay wuxuu noqanayaa kii ugu weynaa ee taariikhda Mareykanka dad intaas la eg lagu dilo rasaas lagu furo dadweyne
Dhinaca kale ilo booliska ka tirsan ayaa saxaafada Mareykanka u sheegay in ninka falkan geystay uu ka soo jeedo dalka Afghanistan, laguna magacaab Cumar Sadiqu Matiin.
Shabakadaha Telefishanada CNN, CBS News iyo NBC News ayaa dhamaan soo tebinaya in ninkan uu yahay 29 sano jir reer Afghanistan ah, isla markaana laga cabsi qabo inuu ku xiran yahay kooxo argagixiso islaami ah.
Booliska ayaa markii danbe dilay ninka weerarka geystay, waxaana lagu wadaa in warar dheeraad ah ka soo baxaan falka ka dhacay Baar u gaara dadka Laga-roonayaasha ah ee Ragga is damaaciya loo yaqaan.
Goobjooge.com