Kalluumaysiga sharci darrada ee sameeyaan maraakiibta waawayn ee ajnabiga ka wadaan Badda Soomaaliyeed ayaa la sheegay in laga helo lacag boqolaal milyan oo doolar ah, iyado laga cabsi qabo inuu dib u soo celiyoburcad baddeedka Soomaaliya.
Warbixin ay soo saareen ururka Mareykan ah (One Earth Future foundation) ayaa lagu sheegay in maraakiibta ay kalluumaystaan saddex jibaar inta ay kalluumeystaan Soomaalida, waxayna ka helaan in ka badan 300 Milyan oo dollar.
dalalka Iiraan, Yemen iyo waddamo kasoo jeeda Qaarada Aasiya ayaa ah kuwa ugu badan ee qaata kalluunka qaaliga ah ee Soomaalida, waxaana ku soo xiga dalka Masar. Iiraan ayaa la sheegay in ka badan 50% kaluunka laga xado Soomaaliya ay qaadato.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inay u daran tahay geegaanka, iyadoo shabaqyada kalluunka ee waawayn ee loo isticmaalo biyaha hoostooda uu baabi’iyo waxa badda ku dhex nool.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]