Wednesday, June 25, 2025

WARBIXIN: Alshabaab oo hoobiyeyaal ku soo dhoweysay xil ka qaadista Tuuryare

Kooxda Alshabab ayaa caawa madaafiic hoobiyeyaal  ah u qeybisay qaar ka mida degmooyinka gobolka Banaadir saacado uun ka dib markii madaxtooyada Villa Somalia looga dhawaaqay in xilka laga qaaday taliyihii ciidamada Nabadsugidda C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Hoobiyeyaasha oo ahaa kuwii ugu tiro badnaa hal weerar lagu tuuro degmooyin dhowr ah ayaa caawa fiidkii ku dhacay degmooyinka kala ah:

  1. Wardhiigley oo ay ku taallo Madaxtooyada
  2. Howlwadaag
  3. Waaberi
  4. Deyniile

Xaaladda ayaa caawa kacsan iyadoo rasaasna ay ka dhacday degmada Dayniile, gaar ahaan kulliyadii Jaalle Siyaad iyo agagaarkeeda oo uu degan yahay guddoomiyaha degmada Deyniile.

Ilaa hadda lama oga qasaaraha madaafiicdaasi geysatay, waxaana tallaabadan lagu sheegay farriin ay Alshabaab u soo dirtay dowladda federaalka oo xilliyadan kala guurka dhexdeeda isku mashquusha, isla markaana madaxda sare ay magacaabaan xilal cusub

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON