Friday, June 27, 2025

WARBIXIN: Alshabab la wareegtay Saldhigii Laanta-buur & Gaadiidkii ugu badnaa oo ay ku qabsadeen

Weerar xoog leh oo kooxda Alshabaab xalay ku qabsatay saldhigii ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Laantabuur, Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa keenay inay kooxdaasi la wareegto saldhigga muddo saacado ah iyagoo qasaare lixaad leh gaarsiiyay.

Weerarkan ayay sheegatay Alshabaab inay laba jiho ka weeerareen saldhigga saqdii dhexe ee xalay, iyagoo sheegay in dagaalkaasi oo ahaa mid aad u culus oo ay ku dileen 73 askari oo ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya ayna qabsadeen ilaa 8 gaadiidka dagaalka ah iyo mid ah booyad oo halkaasi ku sugnaa.

Afhayeenka howlgallada Alshabaab C/casiis Abuu muscab ayaa sheegay inay halkaasi uga tageen oo qura hal gaari oo ay gubeen, gebi ahaanba ay rarteen hubkii, saanadii iyo gaadiidkii halkaasi yaalay oo ay cagta mariyeen saldhigga oo dhan.

Ma jirin cid u gurmatay ciidamada xoogga dalka oo lagu qaaday mid kamid weeraradii ugu waaweyn ee Alshabaab kala kulmeen, kaasoo la mid ahaa weeraradii Leego, Jannaale iyo CeelCadde. Saldhigga Laanta-buur oo dhowr jeer Alshabaab weerareen wuxuu Afgooye oo saldhigyo ay ku leeyihiin AMISOM iyo ciidamada dowladda u jiraa in ka yar 15 KM.

Qasaarihii ugu badnaa ee ciidamada dowladda soo gaara

Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin weerarka lagu riiqday ee xalay ka dhacay Saldhigii ciidamada xoogga ee Laantabuur. Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/llaahi ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in ciidamadii ku sugnaa xerada Laantabuur ay isaga baxeen xerada oo kaliya hal askari uu ka dhintay, wuxuuna qiray inay laga qabsaday 9 gaadiidka dagaalka iyo xamuulka isugu jira.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada soo weeraray xerada Laantabuur ay aad u badnaayeen, hub culusna wateen oo aanay u babac dhigi karin ciidamada halkaas ku sugnaa.

Alshabaab ayaa ku guuleysatay weerarkii 4-aad ee sidan oo kale ah oo ay ku qaado xerooyinka ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaalka, waxaana hore Shabaab ay weeraro noocan oo kale ah ay qasaarooyin lixaad gaarsiiyeen ciidamada Burundi oo saldhigoodii Leego ay la wareegeen, Ciidamada Uganda oo saldhigoodii Janaale ay ka qabsadeen, iyo ciidamada Kenya oo saldhigoodii Ceelcade ay cagta mariyeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON