Friday, June 27, 2025

Warbixin: Imaaraadka Carabta oo bilaabay inuu Gargaarkii ugu badnaa soo gaarsiiyo Somaliya (Sawirro)

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa bilowday inay gargaar degdega soo gaarsiiso Soomaaliya, si xaaladd abaaraha dalka wax looga qabto, kadib socdalakii Ra’iisa lwasaaraha ku tegay dalkaasi.

War kasoo baxay madaxa Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in iyadoo la fulinayo amarka dhaxalsugaha dalkaasi Maxamed Bin Zayed ay Imaaraadka Carabta oo adeegsanaysa Hay’adda Bisha Cas ay gargaar bini’aadantinimo oo is dabajoog ah ugu diri doonaan Soomaaliya.

Deeqada waxaa ka warbixiyey wakiilka Bisha Cas ee Imaaraadka Maxamed Al-Kacbi oo sheegay in gargaarka uu taxnaan doono, ayna ugu talogaleen dadka ay abaaruhu saameyeen ee Soomaaliya oo dhibaato badan soo gaartay.

Barnaamijkan gargaarka ah ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo duulimaadyo is daba joog ah oo gargaar sida, si loo yareeyo saameynta ka dhalan karta masiibada abaarta, iyadoo lagu daabulayo tobanaan tan oo sahay iyo agab gargaar ah oo loogu talagalay dadka ay dhibaatadu saameysay, iwxaana maanta Muqdisho yimid laba diyaraadood oo ah kuwii ugu horreeyay ee gargaar sida.

Waxaa kaloo Imaaraadku u diri doonaa Soomaaliya Markab mucaawino ah, waxaana barnaamijka hay’adda Bisha cas ka mida in Biyo dhaamin loo sameeyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee Gobollada Soomaaliya iyo sidoo kale qodista ceelal biyoodyo badan oo laga qodo deegaanada iyo gobollada ay ka jirto biyo yaraanta ba’an.

Mudane Dr. Mohamed Ateeq Al Falahi, Xoghayaha Guud ee Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta, ayaa sheegay in hay’addu ay diyaarisay barnaamij weyn oo daboolaya baahiyaha dadka ay saameysay abaarta Soomaaliya marxaladda hadda lagu jiro.

May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people and people standing
May be an image of 5 people, airplane and outdoors
May be an image of outdoors

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON