Tuesday, June 24, 2025

Warbixin ku saabsan Hoggaamiyeyaasha Labada Kuuriya oo kulan taariikhi ah yeelanaya

Madaxweynaha Kuuriyada Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa kulmi doona maalinta Jimcaha ah, arrintaas oo ah dhacdo dublamaasiyadeed oo aan la arkin toban sano ka badan.

Wadahadalkan naadirka ah ayaa imanaya bilo uu soo hagaagayay calaaqaadka labada dal wuxuuna waddada u xaarayaa wadahadallada la qorsheeyay in ay yeeshaan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Kalaabashada barnaamijka nukliyeerka iyo ammaanka ayaa harayn doona ajendeyaasha shirka, inkastoo dadka arrimahan taxliiliya ay ka biyodiidan yihiin in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasuli doonto hubkeeda nukliyeerka.

Miiska wadahadalka waxaa kale oo laga yaabaa in la keeno arrimaha ay kala tabanayaan sida qoysaska labada dhinac ku kala xanniban iyo cunoqabataynta.

Waa kulan wayn. Waana markii koobaad ee hogaamiyeyaasha labada Kuuriya ay kulmaan tan iyo sannadkii 2007dii. Waana markii koobaad ee shir noocan ah uu galo Kim.

Kulani wuxuu ka duwanaan doonaa midkii uu Kim la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, kaas oo aad loo qariyay lana xaqiijiyay markii uu dhammaaday ka dib, midkan ayaase si toos ah looga baahin doonaa telefeshinnada.

“Waa xalfadda soo bixitaankiisa” ayuu yiri James Kim oo madax ka ah mac’hadka daraasaadka ee Kim Jong-un.

“Wuxuu ku taagan yahay waddadii aabihii ” Kim Jong-il ayaana la kulmay madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed sannadkii 2000 mar kalana wuxuu la kulmay Roh Moo-hyun sannadkii 2007.

Kulankaas ayaa loo qaabeeyay in looga wadahadlo halista nukliyeerka iyo sidii labada Kuuriya ay isu kaashan lahaayeen.

Kim Dae-Jung ayaana arrintaas ku mutaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Kulankii wakhtigaas ayaa xoogaa miro dhalay waxaana la sameeyay xarun warshado oo dhanka Waqooyiga Kuuriya laga dhisay, qoysas uu dagaalku kala qoqobay ayaana dib u midoobay.

Balse Kuuriyada Waqooyi ayaa dib u billawday daandaansigii nukliyeerka waxaana arrintaas ku darsantay xukuumaddihii Seoul oo meel adag ka istaagay Pyongyang ayaana naaqusisay dadaalladii nabadda.

Intaas wixii ka dambeeyayna dadaalladii Kuuriyada Koonfureed ay ku faquuqaysay Kuuriyada Waqooyi ayaa la dhaliilay.

Dr Kim oo ka tirsan mac’hadka Asan Institute-na wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadka Kuuriyada Koonfureed ay qabaan in dhaqaalihii la siiyay Kuuriyada Waqooyi ee loogu talagalay in Kuuriyada Waqooyi ay ku joojiso hubkeeda nukliyeerka ah, in aan loo isticmaalin sidii loogu talagalay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON