Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay baadi goobeyso Khasnaji lacag badan ka dhacay dowladda Federaalka.
Sida uu shaaciyay guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciisem khasnajigan ayaa in muddo ah howshan ku dhex jiray wuxuuna Bankiga Dhexe ka dhacay lacag dhan 530, 000 Doolar.
Ninkan oo lagu magacaabo Muxyadiin Xassan (Santooni) ayaa wararku sheegayaan inuu muddo bil ka badan ka maqnaa dalka, isla markaana, arrintan la ogaaday markii xilka laga qaaday oo la doonayay inuu xil wareejin sameeyo.
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo dhibaatooyin soo maray ayaa arrintan waxay noqoneysaa jug kale oo soo gaartay.
Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ayaa muddo bilo ah helin lacagaha Mushaarka ah, waxayna mararka qaadkood ka dib dhacdaa ilaa saddex bilood, iyadoo bilaha qaarkood laga dhex bixiyo oo aysan dib danbe u helin shaqaalaha.
Goobjooge.com