Sunday, July 13, 2025

Warbixin ku saabsan Diyaarad goor dhow ku soo dhacday Magaalada Muqdisho

Diyaarad noocaca wax basaaso ah ayaa goor dhaw ku soo dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan  degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Diyaaradan ayaa goobta ay ku soo dhacday waxaa durba tegay ciidamada Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliya oo la wareegay.

Dadka degaanka ataa sheegay in diyaaradan oo ahayd nooc yar ay ku  dhacday  suuqa loo yaqaan Suuqa Beerta Ee degmada Waaberi.

Dadka degaanka ayaa cabsi weyn ka muujiyay diyaaradan oo la sheegay inaysan wax qasaare ah geysan.

Diyaaradan ayaa la sheegay inay lahaayeen ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM.

Dhinaca kale saraakiil ka socotay ciidamada Nabadsugidda oo la wareegay diyaaradan ayaa sheegay inay iyagu leeyihiin diyaaradda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON