Tuesday, June 24, 2025

WARBIXIN: Muxuu salka ku hayaa socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Masar?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ka degay caasimada dalka Masar ee Qaahira, socdaal la sheegay inuu yahay mid rasmi ah oo muddo laba maalmood ah qaadan doona, waxaana ku wehliya qaar kamida wasiirada sii haya xilka sida: Arrimaha dibada, Xanaanada xoolaha, Tacliinta sare iyo Maaliyadda.

Waxa garoonka Qaahira ku soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha wasiirka Tacliinta sare ee dalka Masar Maxmuud Abu Nasr, taasoo keentay su’aal ah in socdaalkani uu yahay mid rasmi ah iyo in kale mar haddii madaxweynihii Soomaaliya uu wasiir soo dhoweeyay.

xasan-wasiir

Markii aan dib u jaleecnay saxaafadda Masar oo ay ku jirto tan rasmiga ah ee dowladda waxaa Goobjooge.com u soo baxday in socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh asalkiisu yahay ka qeybgalka shirka jaamacadda Carabta ka yeelan doonto arrimaha Soomaaliya 29-ka Bishan oo daba socda wafdigii heerka wasiir ahaa ee Jaamacadda Carabta bishan u soo dirtay Soomaaliya.

Soo dhoweynta heerka liidata ee madaxweyne Xasan Sheekh ka helay Masar waxaa la dhihi karaa waa mid caadi ah marka la eego xaaladda Soomaaliya mareyso oo dowlad ahaan iyo awood ahaanba kala dhantaalan, laakiin waxay yeelan kartaa cudurdaar. Afhayeenka Madaxtooyada Masar Calaa Yuusuf ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu Isniinta maanta la kulmi doono dhigiiisa dalka Masar C/fatah Alsisi ayna ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal, xaaladda Geeska Afrika iyo sidii Soomaaliya loo taageeri lahaa.

Safiirka Masar u jooga Jaamacadda Caraba Daariq Caadil ayaa isna sheegay in madaxweynaha Soomaaliya booqashod rasmi ah ku imaanayo dalka Masar 29-30 Disembar, isagoo la kulmi doono madaxweynaha Masar iyo Xogahaya guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi.

Shirka Jaamacadda Carabta maanta ka yeelan doonto xaaladda Soomaaliya sida uu sheegay xoghayaha guud ee jaamcada Carabta Nabiil Al-carabi waxaa lagu  warbixin looga dhageysan doonaa wafdigii Jaamacadda Carabta ee booqday Muqdisho, waxaana looga hadli doonaa arrimaha soo socda:

1. Fulinta go’aankii Jaamacadda Carabta ee ahaa in bil waliba Soomaaliya la siiyo lacag dhan 10 Milyan Doolar oo lagu kabayo miisaaniyadeeda.

2. Qabashada shir dhaqaale loogu ururinayo Soomaaliya oo dalalka carabtu yeeshaan (sida ay soo jeedisay Kuweyt).

3. Taageero laga siiyo Soomaaliya dagaalka argagixiso la dirirka.

4. Furitaanka safaarado kale oo dalalka carabtu ka furtaan Soomaaliya

5. Soomaaliya oo laga taageero bixinta deynta dibadda looga leeyahay oo dhan 2 Milyaar doolar ama looga cafin lahaa.

Qodobadani waxay ahaayeen kuwii madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday wafdigii Jaamacada Carabta ee booqday magaalada Muqdisho.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON