Monday, June 23, 2025

WARBIXIN: Shaqaale Turki ah oo dhimasho & dhaawac ka soo gaaray weerar ka dhacay Muqdisho

Weerar koox hubeysan galabta ku qaadeen gaari siday shaqaale Turki ah oo marayay xaafada Taleex, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa warar dheeraad ah kasoo baxeen.

Laba Turki ah iyo Afar Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, iyadoo afar kale oo Turki ah iyo mid Kenyaati ah ku dhaawacmeen.

Dadka isugu jirta Turkida, Soomaalida iyo Kenyaatiga ayaa dhammaantood  la shaqeynayay Isbitaalka Deva qeybta Dugsiga dhinaca ku haya oo ay macalimiin, arday iyo shaqaale ka ahaayeen.

Weerarka oo kedis ahaa ayaa la sheegay inay geysteen koox hubeysan oo watay Gaari Caasi ah oo rasaas xoog leh mar qura ku asqeeyay gaariga Turkiga siday, waxayna si degdeg ah uga baxsadeen goobta.

Weerarka oo ahaa mid si heer sare loo qorsheeyay ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxd Alshabaab ee dgaalka kula jirta dowladda Federaalka.

Ciidamada degmada iyo kuwa gobolka Banaadir ayaa goobta gaaray kadib weerarka, waana weerarkii ugu xumaa oo mar qura qasaare intaas la eg ka soo gaaraan shaqaalaha Turkiga ah ee ka shaqeysta magaalada Mudisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON