Sunday, July 13, 2025

WARBIXIN: Shirkii Madasha Qaran oo xayiran & Madaxdii Madasha oo isku dhegan

Shirkii madaxda Madasha Qaran ee lagu waday inuu Muqdisho ka furmo ayaa qabsoomi waayay iyadoo aan wax sabab ah la sheegin isla markaana dib loo dhigin.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo beesha caalamka oo dadaal ugu jiray in shirkaasi qabsoomo ayaa ku fashilmay saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay, waxaana shirka hareeyay xaaladda ka dhex taagan maamulada Puntland iyo Galdmudug ee Gaalkacyo iyo arrimaha doorashada Aqalka sare ee madaxweynayaasha maamulada ay doonayaan inay goobjoog u ahaadaan si ay u soo baxaan  musharixiinta ay wataan.

Shirka madasha ayaan la ogeyn xilliga uu qabsoomi doono iyadoo ay horyaallaan caqabado u baahan in xal loo helo qaadacaadda doorashada ee beelaha Somaliland ka soo jeedo.

Guddiga Doorashada ayaa qoddobo dhowr ah ka dalbaday Madasha Qaran inay xal u helaan kuwaasoo ay ka mid yihiin:

  • Arrinta Somaliland
  • Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
  • Qoondada Haweenka
  • & Dhaqaalaha

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON