Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay go’aankeedii ahaa inay qaado imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Wareegto kasoo baxday wasaaradda ayaa lagu shaaciyay xilliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga sare ee Fasalka 12aad ee sanadkan. Waxayna ku goodisay in ciddii aan Imtixaankaas gelin aanay heli doonin Shahaadada Wasaaradda. Waxay arrintan ka danbeysay warkii ay maanta soo saareen Dalladaha Waxbarashada ee ahaa inaysan suuragal ahayn in la qaado imtixaan loo dhan yahay.
HOOS KA AKHRI WAREEGTADA WASAARADDA
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]