Waxaa maanta dib loo furay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo dayactir lagu sameeyay, kadib markii ay Alshabaab weerar culus ka fulisay xarunta Maarso 2019, kuna dhex dishay wasiir ku xigeenkii Wasaaradaasi Saqar Ibraahim Cabdalla.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa daah-furay dayactirka lagu sameeyay xarunta Wasaaradda Shaqada, wuxuuna sheegay in kooxda Argagaxisada ee shaqadoodu tahay dilka, duminta iyo niyad jebinta, hase yeeshee damacoodii la diiday oo dib-u-dhis casri ah lagu sameeyay wasaaradda, sida uu yiri
“Qoladii is laheyd dadka Soomaaliyeed niyaddooda jebiya waxaa loo diray fariin tii hore ka culus waayo wasaaradda waxaa loo dhisay si ka wanaagsan sidii ay aheyd markii ay soo weerareen, hadii ay is lahaayeen dadka Soomaaliyeed ayaa laga nixiyaa, la qalbi jebiyaa ama hiigsigooda hoos loo dhigaa, waxaan leennahay dadka Soomaliyeed isma dhiibaan ma niyad jabaan, lagama adkaado, hiigsigooda kama tagaan, marka ugu dambeysana iyagaa guuleysanaya sida taariikhda Soomaaliyeed ay sheegto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre




