Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shacabka Baaq u jeedisay shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Muqdisho ku nool.
Afhayeenka Laamaha Amniga Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka codsanayaan in ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga xilliyadda ay howlgallada ku jiraan, isla markaana ay la wadaagaan wixii xog ay ee ay ahayaan.
Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa ciidamada Amniga ee howlgallada ka wada caasimadda ugu yeeray inay dhowraan shacabka, una turaan dadka ay ammaankooda sugayaan.
DHAGEYSO