Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay laba qof oo ka mida dad ay sheegtay inay ku qaraabtaan magacyada madaxda dowladda Federaalka, isla markaana ay aflagaado ku hayaan mas’uuliyiinta dowladda.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in dadkani ay ku socdaan baaritaan balse la ogaaday qaarkood isagoo faahfahin ka bixiyay labo koox oo baraha Warbaahinta bulshada ku isticmaali jiray magacyada Madaxda Dowladda, iyagoo baahinaya warar been abuur ah.
Labadan qof ama koox ayuu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga inay hay’adaha amniga ee booliska iyo Nabad sugida dabagal ku sameyeen, midkoodna adageesaday cinwaanno lagu sameystay magacyada Madaxda iyadoo saaranay sawirada Madaxda qaarkood una adeegsad iyagoo u diraya dowlado iyo hay’ado caalami ah.
“Hay’adaha waxa ay soo ogaadeen shaqsiyaadka isticmaala baraha bulshada ee lagu aflagaadeynayo Madaxda dowaldda ilaa iyo hadda, hay’aduhu waxa ay ogaadeen IP address-yada laga isticmaalo cinwaanada aan kuu sheegay, telefanadooda”, ayuu yiri Afhayeenka oo dadka la kashifay ku sheegay:
Cumar Xaayow Calas oo runtii ah ninka ugu horeeya ee ku shaqeysta blackmail
Cali Cabdi Wardheere “Cali yare” oo ka mid ah group-kaas
Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan shaqsiyaad kale oo Hay’adaha Amniga ay ku raad joogaan, dadkaas oo uu sheegay in goor dhow Warbaahinta loo soo bandhigi doono.
Dhowaan ayay ahayd markii Cali Cabdi Wardheere ay dhowr jeer qabteen oo su’aalo la weydiiyay iyadoo lagu eedeeyay arrimaha maanta Wasaaradda Amnigu shaacisay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]