Sunday, July 13, 2025

Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo war ka soo saartay shaqaalaha diyaaradii ku dhacday duleedka Muqdisho

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in dalkooda dib loogu celinayo  shaqaalaha  diyaaraddii dhowaan kusoo dhacday  degaanka Carbiska ee Duleedka Magaalada Muqdisho, kadib markii cilad ku timid.

wasiirka-amniga

Wasiir Amniga C/saaq Cumar Maxamed ayaa sheegay  in shaqaalaha ay bed qabaan, dalkooda dib ugu laaban doonaan. Shaqaalaha diyaaradda oo uu kujiro Duuliyihii Diyaaraddaas ayaa ka kooban lix  ruux  oo dhamman ka soo jeeda dalka Masar.

Diyaaradda oo ahayd mid Xamuul ah ayaa dhawaan ku soo dhacday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Nooca Diyaradda oo ahayd Airbus 300 ayaa duulihuhu ku dejiyay degaankaasi markii ay lugaha u  bixi waayeen, waxaana markaas kadib soo baxay in shaqaalaha diyaaradda ay ku xayiran yihiin Muqdisho sida ay baahiyeen saxaafadda dalka Masar.

Xubno ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa la sheegay inay soo gaareen Muqdisho si ay arrintaasi u furdaamiyaan, iyadoo hadda loo ogolaaday inay shaqaalahaasi dib ugu noqdaan dalkooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON