Wednesday, June 25, 2025

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo war-saxaafadeed ka soo saaray Safiirka cusub ee Mareykanka

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa u sharaf ah inay soo dhoweyso Danjire Stephen M. Schwartz oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya .

Danjire Stephen M. Schwartz waa Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah tan iyo 1991 ee loo soo magacaabo Soomaaliya. Magacaabistiisa waxa ay cadeyn u tahay xiriirka xoogan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka . sidoo kale waxa ay tilmaan cad u tahay in Soomaaliya ay u jiheysatay dhanka deganaanshaha iyo horumarka .

Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir laba geesood taariikhi ah. Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay u arkaan Xukuumadda iyo Shacabka Mareykanka saaxiib dhab ah iyo isbaheysi garab istaagay Soomaaliya intii lagu guda jiray waqtiyadii adkaa ee laga soo gudbay .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku howlan tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Mareykanka .

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON