Thursday, July 24, 2025

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo soo saartay Warsaxaafadeed yaab leh

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya war ay faafisay daqiiqado ka hor ayaa lagu beeniyay war maalmahan la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in madaxda dowlada Federaalka iyo Kenya ay isku afgarteen in dib looga noqdo dacwadii ay Soomaaliya ka gudbisay dalka Kenya ee ku saabsaneyd muranka xuduudka badda.

mofa

Warku carrabka kuma dhufan waxa lagu beeninayo, laakiin waxaa laga fahmayaa in uu ka hadlayo soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee muranka la geliyay. Waxaana lagu sheegay:

“Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go’antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).”

War saxaafadeedka waxaa lagu soo gunaanaday:

“Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay.”

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda ka soo baxay ma jirto mas’uul ku saxiixan, waxaa kaliya oo lagu caddeeyay inuu ka soo baxay xafiis saxaafadda u qaabilsan wasaarada arrimaha dibadda, sida warbaahinta qaranka warkan u qortayna waa mid qubane ah oo aanay jirin meel loo tiiriyay ama la sheegay inuu kasoo baxay.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka  oo dhammaystiran:

[blockquote style=”4″]War saxaafadeed – (Nuqul Af-Soomaali) – Maalmihii ugu dambeeyay , warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in ay kala gar-qaataan ,iyadoo aan la marin Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey ,taasi oo macnaheedu yahay in labada dal ay ku kala baxaan Maxkamad la’aan. Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go’antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda caalamiga ee Cadaaladda ee Hague iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS). Maalgelinta caalamiga , barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxa uu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan , waxaanan u taagannahay ,kuna adkeysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay. Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay . Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Section of Press and Public Relations [/blockquote]

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON