Monday, June 23, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo War-degdeg kasoo saartay Kiiska Badda

LOGO

Date : September 19,2016                                                      Mogadishu – Somalia

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)

Ad

Todabaadkaan oo billaabanaya 19-ka September 2016, Dowladda Soomaaliya waxaa ay soo-jeedin afka ah ka samayn doontaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (“Maxkamadda”) ee Magaalada Heague, Dalka Netherlands, taasoo qeyb ka ah diidmada hordhaca ah ee 7-dii October 2015 ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), ee ka dhanka ah kiiska calaamadaynta soohdinta badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (“Dowladda Soomaaliya”) u gudbisay Maxkamadda 28-kii August 2014.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay weydiisan doontaa in ay Maxkamaddu diidmada hordhaca ah ee Dowladda Kenya ay go’aamiso in ay tahay waxba kama jiraan aan qiil haysan. Dowladda Soomaaliya ma rumaysna in Is-afgaradka 7-dii April 2009 dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya uu sal u noqon karo hannaan lagu xalin karo khilaaf, iskaba daa in uu noqdo habka kaliya ee khilaaf lagu xalin karo. Sidaa darteed, Dowladda Soomaaliya ma aragto wax caqabad ah oo Maxkamadda u diidaya in ay qaaddo dacwaddaan. Dowladda Soomaaliya waxay aad ugu kalsoon tahay sharciyadda kiis-keeda, waxayna Maxkamadda uga fadhidaa go’aan xaq iyo cadaalad ku dhisan.

- Advertisement -

Labadaba Shacab ee Soomaaliya iyo Kenya waxa ay wadaagaan xiriir dhaqan iyo mid taariikheed oo qoto dheer oo meesha aanu ka saari karin khilaaf soo kala dhex gala. Xaqiiqadu waxa ay tahay in aayaha shucuubta Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid isku xiran. Sidaa darteed Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii waddo in ay wadashaqeyn dhow la lahaato walaalaheeda Kenya si looga wada shaqeeyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee labadda Dal iyo Gobolkaba.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON