Tuesday, July 15, 2025

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qeybisay Xildhibaanadii Maamulka Sh/Dhexe & Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa qeybisay xildhibaanada baarlamaanka loo sameynayo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

jowhar-001Arrintan ayaa timid kadib markii odayaasha dhaqanka beelaha labada gobol ay ku heshiin waayeen inay qeybsadaan 71 xubnood oo lagu saleeyay Baarlamaanka cusub ee labada gobol.

Qaabka loo qeybiyay xildhibaanada ayaa la sheegay inay iska kaashadeen IGAD iyo wasaaradda arrimaha gudaha iyadoo lagu saleeyay qaab beeleed, waxaana ilaa 24 beelood oo la sheegay inay degan yihiin labada gobol midba loo qoondeeyay tiro.

Shaxda lagu qeybiyay xildhibaanada oo saxaafadda lasoo gaarsiin ayaa waxaa durba ka biyo diiday qaar ka mida beelaha labada gobol degan, waxaana socda shirar lagu doonayo in lagu xaliyo cabashooyinka jira.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON