Thursday, June 26, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Jowhar & Qorshaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay diyaarinta shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo la filayo inuu toddobaadkan ka furmo magaalada Jowhar.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha  Yaxye Cali Ibraahin ayaa dhowaan booqday goobaha lagu qabanayo shirka iyo hoteelada magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay  in ujeedkiisu ahaa hubinta diyaargarowga magaalada  Jowhar ee martigelinta shirka ballaaran ee noqonaya kii ugu dambeeyay ee dalka laga qabanayo si maamul goboleedka ugu danbeeya dalka.

Magaalada Jowhar ayaa la geeyay ciidamo fara badan oo kuwa nabadsugidda ah, waxaana aad lo adkeeyay ammaanka magaalada iyadoo la baneeyay dhismooyin badan, halka la kala diray ardaydii Waxbarashada lana xiray dugsiyadii.

Wararka laga helay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegaya in shirka uu furmi doono maalmaha ugu horeeya toddobaadkan,waxaana la sugayaa ergooyinka shirka oo ka kala imaanaya Hiiraan, Shabeelaha dhexe iyo Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON